Kulankii 3aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga Joogtada Golaha

KULANKA 3aad KALFADHIGA 7AAD EE GUDDIGA JOOGTADA GOLAHA WAKIILADA HIRSHABELLE

Isniin 23 Desember 2019 Kulankii 3aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga Joogtada Golaha wakiilada Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kaqabsoomay Xarunta Baarlamanka Hirshabelle

Ajendaha Kulanka Waxuu Ahaa Dhageysiga iyo Soo Bandhigida Dib u Eegista Dastuurka Qaranka Maadama Kulanka Guddiga ay kasoo Qeyb Galeen Xubno kasocday Guddiga lasocodka Dib u eegista iyo Hirgelinta Baarlamaanka Federalka Somaliya.

Kulankan oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle mudane Sheikh Osman Barre Mohamed ujeedadisu waxey aheyd Soo bandhiga Cutubyada Dastuurka Federalka oo Guddiga Dib u eegista kusoo Sameyay Sidoo kale Qodobada looga Doodayo waxaa kamid Maqaamka Caasimada Doorashoyinka Dalka
Qoondada Haweenka ee Dastuurka
Doorka Dhalinyarada ee dib u eegista Dastuurka Nooca Federalka ee uu Dalka Qaadan karo
Awoodaha labada Aqalka Baarlamnka Federalka somalia
Nidaamka Garsoorka
Guddiga Joogtada oo dood dheer kayeshay Cutubyada iyo Qoobada Dib u eegista lagu soo sameyay ayaa ugu dambeyn Guddiga Dib u eegista Dastuurka Ee Baarlamanka Federalka u Gudbiyey Aragtida Golaha Wakiilada Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Share

Scroll to Top