Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle ahna Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle mudane Mahad Hassan Osman iyo Masuuliyiin uu horkacayo ayaa kormeer ukuur galid ah ku tagay biyo xireenka Sabuun ee Magaalda Jowhar oo muhiim u ah xakameynta fatahaadaha Wabiga Shabelle kaaaso muddo sanado kadib aan helin wax tayactir ah.
Gudoomiyaha GobOlka Shabellada Dhexe Mudane Axmed Meyre Makraan iyo Gudoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa kusimaha Madaxweynaha Warbxin kasiiyay dadaalada xal uhelida biyaha Fatahaadaha iyo qorsha Maamuulka u degsan ee ka hortagidda Biyaha Fatahaadda Wabiga shabelle.
Kusimaha Madaxweynaha mudane Mahad Hassan Osman oo kormeer qiimeyn kusameeyay Biyo xireenka sabuun oo ay Qashin iyo geedo ay isku xireen ayaa ku baaqay in si’ deg deg ah wax looga qabto waxaana si’gaar ah loofaray hey’aha ay quseeyso kanaalada inay u istaagaan wax ka qabashada kanaaladaan.
Ugu dambey Gudoomiyaha ayaa kormeerkiisa kusoo gabagabeeyay goobo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Shabelle sidookaana biyo fariisin ay kasameeysteen biyaha fatahaadaha isagoona sheegay inay muhiim tahay in shacab iyo Dowladba ay iska garabsadaan sidii deegaanada looga badbaadin lahaa biyaha wabiga oo xiligan umuuqda kuwa zaaid ah waxyeelo horlehna geeysan kara.