Tababarkaan oo bilowday 10 November 2019 socdayna ilaaa 15 November 2019 ayay xubno matalaaya Golaha Wakiillada Hirshabelel oo uu hugaaminaayey Xil. Idle Siyaar Sheik khalif ay uga qeyb galeen dalka Uganda. Tababarkaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Chemonics mashruuca Gole-Kaab oo ay maalgelisay Hay’adda SSF. (Somali stability fund)
Tababarka waxaa lagu baranaayey Habraaca Sameynta Miisaaniyadda, ayaa waxaa bixinaayey khuburo ku xeel dheer arrimaha Miisaaniyadda. Xubnahii ka socday Golaha Wakiillada Koofur Galbeed ayaa aad uga qeyb qaatay fikrad is dhaafsigii iyo doodii ku lifaaqneed cashirada iyo Tabaha lagu baranaayey.
waxan halkadeyaan ku cadeynaynaa inan aad uga faa’ideysanay tabarkaas, kana soo xambaaranay waxii tacliin iyo tusaale uu xambaarsanaa, isla markaasna aanu gudbinay waxii su’aalo, tusaale iyo faalo ku haboonaa goobta iyo tababareyaasha inan la wadaagno, iyadoo si waafi ah aan uga helnay jawaabo Tababareyaashii.



