Arbaco 18 Desember 2019 Kalfadhiga 7aad fadhigiisa 10 ee Golaha xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle oo Maanta Qabsoontay ayaa waxaa Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Mudane SHeikh Osman Barre Mohamed
Ajendaha Fadhiga 10aad ee Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle waxuu ahaa
Warbixinta Guddiga Xeer Hoosaadka Golaha oo Akhrintii 1aad iyo 2aad maray Maadama Guddiga Xeer Hoosaadka kasoo Diyaariyeen Warbixin kusaabsan Wax kabadal iyo Toosin lagu sameeyay Qodobada Xeer Hoosaadka Golaha
Waxaana Warbixinta Guddiga Golaha kahor akhriyey Gudoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka
Sidoo kale Golaha ayaa waxaa Loo qeybiyey Hindise Xeerka Sumadaha Ganacsiga iyo Shaktiyada Warshadaha kaasoo ay soo Gudbisay Wasaadarada Ganacsiga iyo Warshadaha
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Ayaa Xildhibanada kamaqan Fadhiyada ku wargeliyey iney soo xaadiraan si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga.






