KULANKA GUDDIGA CAAFIMADKA IYO WAXBARASHADA EE GOLAhA WAKIILADA HIRSHABELLE UU LAYEESHAY WASIIRKA CAAFIMAD IYO DARYEELKA BULSHADA DG HIRSHABELLE.

Axad 22 Desember 2019 Kulankii 1aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga Caafimadka iyo Waxbarashada Golaha Wakiilada ayaa ka qabsoomay Xarunta Baarlamaanka DG Hirshabelle.

Kulanka Guddiga Caafimaadka iyo Waxbarashada oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Guddiga Xildh Aden odowaa Omar ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Caafimadka Ajandahiisu kulanka Wuxuu ahaa.

Dhageysiga Warbixinta Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo maanta Guddiga Horyimid waxuuna Wasiirka u faah faahiyey Guddiga Horumarada ay sameysay Wasaaradiisa Caqabadaha Jira iyo Qorshayaasha u degsan ama ay Hiigsanayaan.

Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa Guddiga u aqriyey Warbixin dheer oo kusaabsan Hanaanka Wasaarada U shaqeysto Caqabadaha Heysto Horumarada ay gaartay iyo Qorshayasha u degsan Wasaarada Caafimaadka.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka Su’aalo kusaabsan Howlaha wasaaradisa kana mid aheyd Warbixintiisa Waydiiyey.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga ayaa Wasaarada Caafimad ku dhiiri geliyey Dardar Gelinta Howlaha Caafimadka ay bulshada u hayaan sidoo kale Kulanka Soo xiray.

Share

Scroll to Top