KULANKA GUDDIGA ARRIMAHA CADAALADA GARSOORKA ARRIMAHA DIINTA IYO AWQAAFTA EE GOLAHA WAKIILADA HIRSHABELLE UU LAYEESHAY WASIIRKA IYO WASIIRU DOWLAHA WASAARADA DIINTA IYO AWQAAFTA DG HIRSHABELLE.
Arbaco 01 Janaayo 2020 Kulankii 2aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga cadaalada arrimaha garsoorka diinta iyo awqaafta Golaha Wakiilada ayaa ka qabsoomay Xarunta Baarlamaanka DG Hirshabelle.
Kulanka Guddiga Cadaalada Arrimaha Garsoorka Diinta iyo Awqaafta oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Guddiga Xildh Maxamed Cabdikarin Maxamed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka iyo Wasiiru Dowladaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta .
Ajandaha kulanka Wuxuu ahaa.
Dhageysiga Warbixinta Masuuliyinta Wasaarada oo maanta Guddiga Horyimid waxuuna Wasiirka u faah faahiyey Guddiga Horumarada ay sameysay Wasaaradiisa Caqabadaha Jira iyo Qorshayaasha u degsan ama ay Hiigsanayaan.
Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka Su’aalo kusaabsan Howlaha wasaaradisa kana mid aheyd Warbixintooda Waydiiyey.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga ayaa Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ku dhiiri geliyey Dardar Gelinta Howlaha Wacyi Gelinta iyo Horumarinta Diinta waxuuna sidoo kale Kulanka Guddiga iyo Wasiirka Soo xiray.




