KORMEERKA GUDDIGA SHAQADA IYO SHAQAALAHA GOLAHA WAKIILADA KU TAGEEN XARUNTA GUDIGA SHAQALAHA RAYIDKA EE DOWLADA
Arbaco 01 Janaayo 2020 Kulankii 1aad Kalfadhiga 7aad ee Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Isboortiga Golaha Wakiilada Hirshabelle waxey kormeer iyo xog ogaansho ku tageen Xafiisyada Guddiga shaqaalaha Rayidka Dowlada
Kormeerka ay Guddiga Ku tageen Xafiisyada Guddiga shaqaalaha Rayidka Dowlada waxaa ay kula kulmeen Qaar kamid ah Masuuliyinta iyo Howl wadeenada Guddiga.
Guddiga Ayaa Kormeeray Xafiisyada iyo howl wadeenada Guddiga shaqalaha Rayidka Dowlada waxaana ay warbixin kusaabsan Howlaha Guddiga u qabsoomay, Cabaqaha Heysta iyo Qorshayaasha U degsan Guddiga ay ka dhageysteen Qaar kamid ah Howl wadeena Guddiga .
Guddiga ayaa Masuuliyinta Guddiga shaqalaha Rayidka weydiiyey su’aalo kusaabsan warbixintooda waxeyna Masuuliyinta Guddiga Kajawaabeen Su’aalaha ay weydiiyen xubnaha Guddiga.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa Masuuliyinta iyo Howl wadeenada Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlada kula Dar daarmay Dar dargelinta Howlaha ay u hayaan BulsHada waxeyna ku balameen in la joogteeyo kulamada u dhaxeya Guddiga Barlamaanka iyo Guddiga Shaqalaha Rayidka Dowlada





