Kulan u dhaxeyay Labada Gole ee DGHSH iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranka

Kulan u dhaxeyay 2 Gole ee Dowlad Goboledka Hirshabelle iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranka oo Maanta Kaqabsoomay Xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle

Isniin 24 Febraayo 2020 Golayasha Xeer Dejinta iyo Fulinta Dowlad Goboledka Hirshabelle oo ay Hogaaminayaan Madaxweyne Kuxigenka Dowlad Goboledka Hirshabelle iyo Gudoomiye kuxigenka 2aad Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa kulan wadajir ah layeshay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranka

Ajendaha Kulankaan waxuu ahaa

Soo bandhigida Aragtida Dowlad Goboledka Hirshabelle ee ku abaaran Doorashada Qof iyo Cod ah oo Xeerkisa la meel mariyey.

Sidoo kale Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaran ayaa Golayasha Fulinta iyo Xeer Dejinta ee Dowlad Goboledka Hirshabelle usoo bandhigay Farsamo ahaan Doorka kaga Beegan Qabashada Doorashada Qof iyo Cod iyo ku shaqeynta Xeerka Doorashada Heer Federal.

Xildhibanada,Wasiirada iyo Masuuliyinta Kale ee kaqeyb galay Kulankaan ayaa aragtidooda kadhiibtay Nidaamka Doorashada ee lafilayo iney Dalka ka Qabsoonto.

Baarlamanka Dowlad Goboledka Waxaa sharaf u ah Marti Gelinta Kulamada looga arinsanayo Arrimaha Masiiriga ee Dalka iyo Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Share

Scroll to Top