Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 12 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar
Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2021 ee Dowlad Goboledka Hirshabelle
Ugu horeyn Wasiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Yusuf Mocalin Hassan Jele ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboledka Hirshabelle ee Sanadka 2021
Sidoo Kale Xoghaya Guud ee Golaha Mudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyaad) ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyada.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay go,aan kagaaran Miisaaniyada Maadama Sanadka 2020 uu gabo gabo yahay loona baahan yahay in Miisaaniyada Sanadka 2021 go.aan laga gaaro si uusan hakad ugu imaan Howlaha ay Hay’adaha Dowlad Goboledka Hirshabelle u hayaan Shacabka Dowlad Goboledka Hirshabelle
Baarlamanka Hirshabelle ayaa Cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021 waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed
Waxaa ogolaaday 71
Waxaa Diiday 2
Waxaa ka aamusay 1




