Ku simaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ahna G/K 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Mahad Hassan Osman.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle ahna Gudoomiye ku xigeenka  labaad ee Baarlamnaanka  Hirshabelle Mudane Mudane Mahad Hassan Osman  ayaa maanta degmada Balacad kaga qeybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee keymaha.

kusimaha Madaxweynaha iyo Masuuliyiin ka kala socotay Maamulka degmada Balacad iyo Wasaaradda deegaanka Dowladda Hirshabelle ayaa Degmada Balcad waxay ku beereen 3000( Sadax kun oo geed)  kuwaas oo ka qeyb qaadan doona bilicda degmada Balcad ee Gobalka Shabellada Dhexe.

Mudane Mahad Hassan Osman oo kalamad kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay in dhamaan shacabka iyo maamulka Dowladda Hirshabelle ay xil iska saaraan ilaalinta degaanka iyo beeridda dhirta si looga hortago xaalufinta degaanka , waxuu kaloo intaa ku daray Xaalufinta dhirta inay qayb ka tahay nabaad guur iyo u horseedida degaanka abaaro.

Share

Scroll to Top