Abdihakim Lukman gudoomiyaha baarlamanaka hirshabelle oo Gudiyada Baarlamaanka la kulmay

Jowhar: 10 July, 2022. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr abdihakim Lukman Haji Mohamed ayaa kulan Qado sharaf ah la qaatay Guddiga Joogatada ah Golaha Barlamanka Dowlad Hirshabelle.

Kulanka Waxaa gudoomiyaha Baarlamaanka ku  wehliyay Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheekh isxaaq Cabdulle iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Mahad Xasan Cusman.

  1. Kulan oo ahaa kulankii ugu horeyay ee uu yeesho Guddiga joogtada ayaa looga hadlay Waajibaadka Guddiga Joogtada iyo muhiimada uu guddiga uleeyahay Kulamada guud ee Golaha.

Share

Scroll to Top