Ajendaha
Qodobka 23-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka DGHSH
Ajendaha
1. Guddiga Joogtada ee Golaha wuxuu diyaarin doonaa ajendaha fadhiyada soo socda ee Golaha.
2. Ajendaha waxaa loo qeybinayaa xildhibaanada Golaha ugu yaraan 24 saacadood ka hor fadhiga loo dhan yahay.
Ajendaha waxaa loo tixgalinayaa in la ansaxiyay, haddii aysan ugu yaraan 25 xildhibaan ay bilowga fadhiga u gudbinin Guddoomiyaha Golaha mooshin qoraal ah oo wax lagaga bedelayo ajendaha iyagoo soo jeedinayo arrin deg-deg ah mooshinkana waa in ay ku saxiixan yihiin xubnaha taageeraya. Arrin Deg Deg ah waxaa Noqon kara
B) Xad-Gudub Arrimaha Diinta
T) Xad Gudub Xuquuqda Aadanaha ee Hay’adaha Dowlada ama hay’ado kale
J) Dhibaato Dabiiciya
X) Xasilooni Daro.
KH) Xad-Gudub Xasaanada iyo Sumcada Xildhibaanada
3. Ajendaha hadii ay codsadaan 25 xildhibaan in wax cusub lagu daro ama wax laga beddelo waxaa guddoonka laga doonayaa in uu ku soo daro ajendaha isla fadhigaas hadii ay u codeeyaan (50% + 1) ee tirada fadhida.