Awoodda Golaha

Qodobka 34-aad ee Dastuurka KMG dowlad-goboleedka Hirshabeelle: 

Awoodaha golaha sharci-dejinta dowlad-goboleedka Hirshabeelle
1. Golaha sharci-dejinta xilkooda waajibaad waa:
a. Diyaarinta, ka doodista iyo ansaxinta sharciyada dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
b. Wax ka beddelidda dastuurka dowlad-goboleedka Hirshabeelle marka laga reebo
Qodobada aasaasiga ee ku xusan cutubka kowaad iyo cutubka labaad ee xuquuqul
insaanka.
c. Doorashada iyo xil ka qaadidda guddoonka golaha.
d. Doorashada iyo xil ka qaadidda madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
e. U codeynta guddiyada joogtada ah iyo kala laabashada codka.
f. Waxa ay ansixiyaan xukuumadda uu soo magacaabay madaxweynaha si cod haldheeri ah
g. Ka doodista iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka iyo meelmarinta xisaab-xir
sannadeedka.
h. Ansaxinta ama laalidda xaalad deg deg oo ay xukuumaddu u soojeedisay
i. Ka doodista iyo ansaxinta hindiso sharciyeedyada xukuumadu soo qadinto.
j. Ka doodista iyo ansaxinta motion golaha laga keeno guddoonka golaha sharci-dejinta
iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
k. U codeynta ama diidmada ansaxinta dhismo deegaano cusub.
l. U codeynta ama diidmada haya’adaha dowliga ee madaxa banaan iyo guddiyada
madaxa banaan.
m. La xisaabtanka xukuumadda, kormeeridda, baarista iyo wax-weydiimo hay’adaha
xukuumadda iyo hay’adaha madaxa banaan iyo gudiyada madaxa banaan.
2. Golaha sharci-dejintu waxa ay amri karaan in baaris lagu sameeyo hey’ad dowladeed
iyadoo waajibaadkaas u xilsaarayso guddi xildhibaano oo khibrad u leh howlaha la
baarayo.

Scroll to Top