Fadhiyada
Qodobka 37-aad ee Dastuurka KMG dowlad-goboleedka Hirshabeelle
Kal fadhiyada golaha sharci-dejinta
1. Golaha sharci-dejinta xilkiisa waajibaad waxa uu ku gudanayaa kalfdiyada golaha.
2. Golaha sharci-dejinta waxa uu isugu yimaaddaa kalfadhi caadi ah sanadkii labo mar oo
min 4 bilood ah , iyo kalfadhi aan caadi aheyn.
3. Golaha sharci-dejintu waxa uu sameysanayaa xeer-hoosaad uu ku guto xilkiisa
waajibaad, anshaxa xubnaha golaha, waqtiga fasaxyada, nidaamka maamul ee golaha,
soojeedinada hindiseyaasha sharci, mowshin “motion,” habka codeynta iyo kalfadhiyada.
4. Kalfadhiyada golaha sharci-dejintu waxa uu ku ansaxmaa labo meelood meel hal dheeri
ah in ay fadhiyaan.
5. Golaha sharci-dejintu go’aanadooda waxay ku meelmariyaan cod aqlabiyad hal dheeri ah
50+1 (simple majority) ee xubnaha fadhiyo marka laga reebo Qodobada fadhiyada ku
saabsan kalsooni siin ama kala noqosho xukuumada iyo mowshinada ku saabsan
xaaladaha deg deg.
6. Kalfadhiyada golaha waxaa looga yeerikaraa xubnaha xukuumada ayagoo warbixin
looga dhageysanayo ama su’aalo lagu weydiinayo, ama ay ka soo jeedinayaan qorshaha
miisaaniyada xukuumada ama hindiso sharci.
7. Kalfadhiyada golaha sharci-dejinta waxay albaabada u furanyihiin warbaahinta haddii
aan gudoonka goluhu hakin, muwadiniinta waxay dalban karaan waqtiyo mucayin ah in
ay dhageysi u tagaan doodaha golaha sharci-dejinta. .
a) Kalfadhi aan caadi aheyn waxaa isugu yeeri karo gudoomiyaha golaha
sharci-dejinta, ama marka uu dalbado madaxweynaha dowladgoboleedka Hirshabeelle
b) Ay dalbadaan saddex meelood meel golaha sharci-dejinta