Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa Maanta oo ay Tr: tahay 07/12/2019 Kalfadhiga 7aad Kulankiisa 7aad oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Md.Sheikh Osman Barre Mohamed kulan ku yeeshay Xarunta Golaha.
Ajendaha Kulanka Golaha ay ooga doodeen ayaa ahaa :
1 Dhamestirka Dooda Dib u eegista Dastuurka
2 Qeybinta Qabyo Qoraalka Xeer Hoosaadka Golaha
dooda oo lagu bilaabay qodobka 1aad oo ah dhameystirka Dooda dib u eegista Dastuurka , halkaas oo ay dood dheer ka yesheen mudanayaasha Golaha , intaa ka dib ayaa gudoomiyaha Golaha soo gababeeyay qaybta doodda dastuurka , waxuuna ku soo gabagabeeyay dooda waxuuna ku wareejiyay Guddiga Dastuurka waxuna ku amrey inay inay soo diyaariyeen ayagoo ka amba qaadayo doodihii Golaha uu ka yeeshay ay isku soo duwaan , soo jeedina ay ka soo sameyaan.
intaa ka dib waxaa laga guda galey ajandaha labaad oo ay qaybinta Qabyo qoraalka Xeer hoosaaka Golaha , Gudoomiyaha Golaha ayaa amrey in laqaybiyo Xeerhoosaadka , islamarkaana xoghayaha guud uu soo jeediyo warbixin ku saab san qabka loo sameeyay Dib u eegista Dastuurka.
sidaan ayay udhacday warbixintii Xoghayaha Guud.
07 Dec 2019
Warbixin ku saabsan Wax ka badal ka Xeerhosadka Golaha.
17-19 June 2019, waxa isugu tagey Garoowe dhamaan Guddiyada Xeer-hoosadyada Golayasha Xeer-dejinta Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda federalka SOmaaliya , waxayna halkaa utageen isbarbardhigga iyo iswaafajinta Xeer-hoosaadyada Golayaasha , waxaana maalgalinayay Hay’adda Chemoncs Mashruuca Gole kaab oo ay maalgaliso SSF.
Mudane Gudoomiye ,mudanayaal iyo marwooyin Waxaa soo jeedin lagu sameeyay dhamaan xeer-hoosaadyada Gole kasta si gaar , ayadoo lagu sameeyay is barbardhig , waxaana soo baxdey in Golayaasha qaar xeerhoosaadyadoodu ay ka maqanyihiin Cutubyo iyo qodobo muhiim u ah Shaqada golaha iyo Guddiyada.
Waxaa la ogaadey in Xeerhosaadyada Goleyasha Xeerdejinta Hirshabelle , Jubbaland, iyo koonfur galbeed aysan laheyn Habraaca Hindisa sharciyeedka, Habraaca miisaniyada iyo XIsaab xirka sanadka. mudane Gudomiye , mudanayaal iyo marwooyin ayadoo laga duulayo soo jeedintaas isbarbardhiga ah waxaa laysku waafaqeyin lasameeyo iswaafajin ,islamarkaan Xeerhoosaad kasto lagu daro waxa ka maqan oo muhiimka u ah shaqadooda.
Haaba mudane gudoomiye ,mudanayaal iyo marwooyin waxa hadda idin horyaalo oo aad gacanta ku heysaan waxaa xeerhooadkii Golaha lagu sameeyay wax ku darin iyo qaabeyn, sida ku cad qodobadaan hoose :
- Waxaa lagu darey dhamaan cutubyadii iyo qodobadii muhimka ahaa ee ka maqnaa sida Cutubka 4aad Habraaca Xeerarka iyo Cutubka 5aad Habraaca Misaaniyadda iyo Xisaab xirka.
- Waxaa kaloo lagu sameeyay dhamaan xeerarka Qaabdhismeed isku mid ah waxaana laga dhigay 9aa cutub iyo 95 qodob, halka uu awal ahaa 6 cutub iyo 46 Qodob.
- Waxaa kaloo leysku waafaqey in isku mid laga dhigo kala hormarinta Cutubyada , tusalae ahaan
- Cutubka 1aad : Golaha wakiilada Hirshabelle ( xildhbaan)
- Cutubka 2aad : Guddoonka ( wax kasto oo ku sabasn gudoon halkaan ayaad ka heleysaa )
- Cutubka 3aad: Kalfadhiyada iyo Fadhiyada Golaha.
- Cutubka 4aad: Habraaca Xeerarka .
- Cutubka 5aad : Guddiyadd Golaha.
- Cutubka 6aad : Habraaca Misaaniyadda iyo Xisaab xirka.
- Cutubka 7aad : Golaha iyo Xukuumadda.
- Cutubka 8aad : Madaxweynaha iyo Golaha.
- Cutubka 9aad: Qodobo guud .
- Waxaa muhiim ah inaad ogaataan dhamaan awoodaha iyo wajibaadka uu farayo xeerhoosaadka waa sidiisii wax wax ka badal ahna laguma sameyn.
Gabagabo .
Mudane Gudoomiye mudanaayal iyo marwooyin guddiga xeerhoodka , Xoghayaha guud iyo howlwadeenada Golaha waxay galiyeen waqti iyo juhudi aad u badan , waxaan idinka rajeyn inaad soo akhrin doontaan ,oo aad la imaan doontaan fikirkiina iyo aqabaaladiina , waxaad kaloo ogaataan dhamaan Golayasha kale xeer dejinta xilli hore ayay ansixiyeen , hadana way ku dhaqmaan .
Mahadsandiiin.
Xoghayaha Guud ee Golaha.



