GUDDIGA BEERAHA XANAANADA XOOLAHA IYO HORUMARINTA REER MIYIGA EE GOLAHA WAKIILADA DG HIRSHABELLE OO MAANTA KORMEER KU TAGAY WASAARADA BEERAHA IYO WARAABKA
Sabti 28 Desember 2019 Kulankii 1aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ayaa kulan kusaabsan Xogwareysi iyo Korjoogteyn ku tagay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboledka Hirshabelle
Kormeerka ay Guddiga Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ku tageen Wasaarada Beeraha ayaa waxaa ay kula kulmeen Wasiirka Wasaarada Beeraha.
Guddiga Ayaa Kormeeray Xarunta Wasaarada iyo howl wadeenada wasaarada waxaana ay warbixin kusaabsan Howlaha wasaarada u qabsoomay, Cabaqaha Heysta iyo Qorshayaasha U degsan Wasaarada ay ka dhageysteen Wasiirka wasaarada.
Guddiga ayaa wasiirka su’aalo kusaabsan warbixintiisa kaweydiiyey waxuuna wasiirka uga jawaabay Su’aalaha ay weydiiyen xubnaha Guddiga.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa Wasiirka iyo Howl wadeenada wasaarada kula Dar daarmay Dar dargelinta Howlaha ay u hayaan BulsHada waxeyna ku balameen in la joogteeyo kulamada u dhaxeya Guddiga iyo Wasaarada.




