Guddiga Xuquuqul Insaaka oo ka Qaybgaley Aqoon kororsi ku saabsan udoodidda iyo Sharci u Dajinta Dadka Baahiyaha gaarka qabo.

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ka qaybgaley Aqoonkororsi ku saabsan Udoodida iyo Sharci Udajinta Dadka Baahiyaha gaarka qabo .

Aqoon kororsigaan waxaa qabtey Hey’adda Chemonics Mashruuceeda Gole kaab , waxaa ka soo qaybgaley Xubno ka kala socdey Guddiyada Xuququl insaanka , Dastuurka iyo Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Xubno ka socdey Baarlamaanka Koonfurgalbeed .

Aqoon korosiga waxuu socdey mudo 3 maalmood ah oo ka bilaabaneysay 24 -26 November 2019 .

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee looga hadley waxaa ka mid ahaa

1. Doorka siyaasadda ee la xiriirta xeer dejinta GESI. waxyaabaha ay ka koobanyhiin hanaanka iyo qaabdhismeedka xeerdejinta Hormarinta.
2. qorsheynta u diyaargarowga qorista hindise xeer la xriira ee GESI . sida waafajinta hindise xeer xeerarkii hore ujiray , climi baaris ( soo yaalka arimaha xeerka iyo isbarbardhiga xeerarka kale) iyo dhageysiga dadweynaha.
3. xirfadaha qorista xeerarka :qaabdhismeedka , abaabulka iyo qaab-qoraalka xeerka.
4. Aqoonsiga arimaha laxiriiro xuquuqda iyo hanaanka xeerdajinta GESI.
5. Soo jeedin Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul insaanka Golaha Shacabka Xeerarka Laxiriiro GESI iyo Qaabka loga shaqeeyay iyo waxyaabaha laga bartey.
Gabo gabadii waxaa ladejiyay qorsho ku aadan sida looga miro dhalin karo waxaana laysku raacay in qorshaha looga howlgalo sidaan soo socoto.
1. Warbixin iyo Wacyigalin lagu sameeynayo
a. Dhamaan xubnaha Golaha .
b. Goobaha daka isugu yimadaan sida Waxbrashada ,caafimaadka iyo Hoteelada.
2. In lagu daro marka lasameynayo Waxkabadal Dastuurka iyo Xeerhoosadka .
3. In Golaha uu soo saaro Qaraar lagu faraayo wax uqabadka iyo ku dhaxjirka dad dhamana dadka leh baahiyaha Gaarka ah.
4. Dhamaan xeerarka cusub ee lakeeni doono Golaha in lagu daro hadii ay ka maqanyhiihin qodobo muujinaayo Wax uqabshada iyo talo galinta Dadka Baahiyaha gaarka leh.

Share

Scroll to Top