09 July 2019 Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Sheikh Osman Barre Mohamed Ayaa safar qaatay mudo 26 cisho ah ku tagay magaalada beledweyne oo ah xarunta ganacsiga Hirshabelle ahna Magaalo madaxda Gobolka Hiiran
Beledweyne waxaa kataagneyd xiisad u dhaxeysay Xil kaqaadis lagu sameyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka hiiran isfaham waa siyaasadeed oo kadhalatay xil kaqaadistaas mudo bil ah ma aysan shaqeynin xafiisyada maamulka gobolka waxaana dhacay banaan baxyo iyo dilal saraakiil
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed ayaa kulan qado ah laqaatay Xildhibaanada wasiirada iyo Saraakisha Ciidan si uu warbixin uga dhageysto loogana tashado sida ugu fudud ee lagu gaari xalka kama dambeyska ah ee lagu soo afjarayo qilaafkan.
Kulankaas Qadada oo warbixinta lagaga dhageysaney Masuuliyinta katirka Maamulka waxaa la isla qaatay qorshe xal loogu raadinayo Xiisadii taagneyd oo ay qeyb kayihiin Dhamaan Xildhibaanada wasiirada iyo Saraakisha Ciidanka





