Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Hirshabelle mudane Dr-abdihakim Lukman Haji Mohamed ayaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kulan kula qaatay madaxa Xafiiska arrimaha bini’aadinimada Soomaaliya ee Safaaradda Germalka Martin Stein. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Abdihakim Lukman Haji mohamed iyo Martin stein ayaa ka wada hadaleen horumarinta iyo tayenta Xubnaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Howl wadeenada baarlamaanka Dowlada Hirshabelle. Sido kale Hay’adda Max Planck Foundation For International Peace and Rule of Law oo Garab ka heleyso Safaradda Germalka ay mashaaric horumarineed la yeelan doonaan Baarlamanka Hirshabelle. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr abdihakim Lukman haji Mohamed ayaa dowladda germany ugu mahadceliyay doorkooda muuqada ee taageeridda Baarlamaanka Hirshabelle iyo Dowladda Hirshabelle.



