Jowhar 19 April 2024
Kusimaha Gudoomiyaga ahna gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dawladda Hirshabelle mudane Mahad Hassan Osman ayaa Caasimada Jowhar ku soo dhaweeyay Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayay Madaxweynaha Dawladda Hirshabelle Mudane Ali Guudlaawe Hussein.
Madaxweynaha oo socdaal shaqo ku tagay Magaalada Nayroobi ayaa halkaas kula kulmay qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo uu kala hadlay horumarinta deegaanada iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Hirshabeelle.
Madaxweynaha waxaa socdaalkaan ku wehliyay Gudoomiye Ku Xigeenka Baaelamaanka Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin .