Kalfadhiga 3aad kulankiisa 3aad

Kalfadhiga 3aad kulankiisa 3aad oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle Mudane Dr Cabdixakim Luqmaan Xaaji Maxamed ayadoo uu ku wehliyay  Gudoomiye Ku xigeenka 2aad Mudane  Mahad Xasan Cusmaan.
Ajandaha Kulanka ayaa ahaa  Dooda akhrinta 2aad ee Xeerka Ciidanka Boliiska Hirshabelle.
Gudoomiyaha Golaha ayaa marka uu furay kulanka waxuu ku dhawaaqay in ladiiwangaliyo Xildhibaanada rabo inay ka qaybqaataan Doodda Akhrinta 2aad ee Xeerka Ciidanka Boliiska Dowladda Hirshabelle.
ilaa 11 Xildhibaan ayaa isu Diiwangaliyay inay suaalo ka Waydiiyaan   Xeerka Ciidanka Boliiska DGH  Wasardda Aminga DGH.
Dhamaan Xildhibandan ayaa mid mid uwaydiiyay Masuulka ka socday Waasardda Amniga, Sulaahaan ayaa  dhamaantood ku saabsanaa Qodobada Xeerka uu ka koobanyahay.

Intaa kadib Gudoomiye Ku xigeenka 1aad Mudane Mahad Hassan Cusmaan ayaa ka sheegay kulanka muhiimadda uu leeyahay Xeekan iyo xooga lasaaro  Akhrintiisa , wixii loo arko inay Qaldanyihiin Wasaardda laga waydiyo Suaalaha ku haboon.

Intaa kadib Gudoomiyaha Golaha ayaa ku wargaliyay Xildhibaan in lasii wadi doono dooda marka Golaha isugu yimadda Akhrinta 3aad ee Xeerka Ciidanka Boliiska DH, halkas ayuun ku soo Xiray Gudoomiyaha Kulanka.

Share

Scroll to Top