Kormeerka Deegaanada uu saameeyay Fatahaadda Wabiga Shabelle

Jowhar July 28, 2020

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye kuxiigenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise oo ay wehliyaan Xildhibaano, Taliyaha Booliska Hirshabelle iyo Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah Tuuloyin hoos yimaado Degmada Jowhar oo saamen ku yeeshen Fatahaadda Wabiga Shabelle.
kormeerka oo saacado qaatay ayay ku mareen Tuuloyin kala ah Libiga, Xaanshooley, Baraki, Bumaley, Gumarey, Moora Diide, Gololey Mobleen iyo ilaa Gololey Dauud.

Ugu dambeynti Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye kuxigeenka 2aad ayaa baaq u dirtay Dowladda Federalka iyo Jaaliyadaha Soomaliyeed gaar ahaan kuwa reer Hirshabelle in xaaladahaan wax laga qabto.

Share

Scroll to Top