KORMEERKA GUDDIGA ARRIMAHA MAAMULADA GOBOLADA, DEGMOOYINKA, AMNIGA IYO SOOHDIMAHA EE BELEDWEYNE

Guddiga Arrimaha Iyo Amniga Golaha Wakiilada Hirshabelle ayaa Maanta Kulan laqaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Degmada Beledweyne.

Ajendaha:

  1. Dhageysiga Warbixinada Maamulka Gobolka Hiiran iyo Degmada Beletweyne.
  2. Su’aalaha Xubnaha Guddiga ee Mauuliyinta Gobolka Hiiran iyo Degmada.
  3. Kormeerka Xafiisyada Maamulka Gobolka Hiiran iyo Degmada Beletweyne.

Guddiga ayaa ugu horeyn warbixin kadhageystay Masuuliyinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu Hormuud u ahaa Gudomiyaha Gobolka Hiiraan Md. Ali Mohamed Araale.

Xubaha Guddiga ayaa Sidoo kale Su’aalo kusaabsan Howlaha Maamulka iyo Degmada Weydiiyey Sidoo kalena Soo Kormeeray Xafiisyada Mamulka Gobolka Hiiraan Maamulka Degmada iyo Dowlada Hoose ee Degmada Beledweyne.

Ugu Dambeyn waxaa Warbaahinta lawadaagay Ujedada Kormeerka Gudoomiyaha Guddiga iyo Gudomiyaha Gobolka Hiiraan.

   

 

Share

Scroll to Top