Waxaa manta oo tariikhda tahay 09 Dec 2019 waxaa kulan yeeshay guddiyada Golaha wakilada Hirshabelle , kulanka waxaa shir gudoomlinayay Xoghayaha guud ee Golaha , waxaana ka soo qaybgaley xubno gaarayo ilaa 16 xubnood oo ka kala socdday Guddiyada Golaha iyo Agaasima Howlaha Golaha iyo Madaxa Arimaha Guddiyada.
Ujeedka kulan waxuu ahaa Dardargalinta kulamada iyo Howlaha Guddiyada
Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay in la dardargaliyo kulmada Guddiyada, islamarkaan ay guddiyadu ka howlgalaan sidii ay wada shaqeyn joogta ah ula yeelan lahaayeen Hay’adaha ay ugu xilsaaranyihiin korjoogteyntooda.



