Kulanka Golaha Wakiilada hirshabelle

Kulanka Golaha Wakiilada hirshabelle

Khamiis 19 March 2020 Golaha Wakiilada Hirshabelle oo uu Shir Gudoomineyey Gudomiye Kuxigenka 1aad ee Golaha Ahna Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Mudane Cabdi Cuseen Geedi iyo  Gudoomiye Kuxiigenka 2aad Marwo Canab Axmed Ciise Ayaa Maanta kaqabsomay Xarunta Baarlamanka Ee Jowhar

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Qodobo dhowr ah
1. Ka doodista howhlaha horyaala BDGHSH oo ka mid ahaa
a) Ansixinta hindise sharciyeedka Shatiyada iyo Sumadaha Ganacsiga hirshabelle.
b) Magacaabista Degmooyin Cusub
c) Dhisidda Guddiga doorashooyinka hirshabelle
d) Dib u eegista dastuurka
e) Ilaalinta Xasaanadda Xildhibaanka marka uu xilka ka dago
f) La xisaabtanka hey’adaha Dowladda
g) Xadidaada Golaha wasiirada
h) In Gunnada Xildhibaanada lagu bixiyo Jowhar xiliyada Shaqada
i) Warbixinta Guddiga Kormeerka ku tagey Gobolka Hiiraan
j) Warbixinta Xildhibaanada Booqday Deegaan doorashadooda.
Guddoomiyaha kuxigeenka golaha ahna kusi,maha Guddoomiyaha ayaa soo jeediyey dood dheer ka dib in la ansixiyo hindise sharciyeedkan.
Sidoo kale waxaa Golaha ka hor hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda Ganacsiga Mudane Cali Cusman Ibrahim.
Xildhibaanada Golaha Ayaa cod aqlibiyad ah waxa ay ku ansixiyey hindise sharciyeedka Shatiyada iyo Sumadaha Ganacsiga hirshabelle.

Share

Scroll to Top