Kulanka Guddiga Joogatada ee Baarlamanka Dawladda Hirshabelle

Jowhar 08 June 2023
Waxaa maanta ka qabsoomay Xarunta Golaha Kulanka Guddiga Joogatada oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Dawladda Hirshabelle Mudane Dr Cabdixakim Luqmaan Xaaji Maxamed oo uu wehliyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman, waxaana ka soo qaybgalay dhamaan Xubnaha Guddiga Joogtada.

kulanka oo Ajandihiisu ahaa ka doodista  Ajandayaasha Hortabinta leh ee Kalfadhiga 4aad ayaa ugu horeyn  waxaa lagu  dhaariyay  Xildhibaan Cusub oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali(Sanbuur)

Intaa kadib Gudoomiyaha Golaha ayaa warbin dheer siiyay Xubnaha Guddiga joogatda taas oo ku saabsabeyd Safarkiisii u ku tagay Magalada Muqdisho iyo Dalka Dibadiisa.
Xubnaha ka soo qaybgalay kulanka ayaa dood ka yesshay Ajandaha kor ku xusan intaa ka kadib waxaa leysla qaatey in ay ka mid noqdaan Anajdayaasha Kalfadhiga 4aad Qodobada soo socda
1. Ka doodist iyo meel marinta Xeerarka Horyaalo Golaha oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Cusub.
2.U yeerista Xubnaha Aqalka sare ku matalo Dowladda Hirshabelle si wax looga weydiiyo Qodobo ku jiro Xeerar ay ansixiyeen oo saameyn ku leh Xubnaha Golaha.
3.Laxisaabtanka Hay’adaha Dowladda Hirshabelle
4.Dejinta Qorsho Howleedyada  Guddiyada Golaha.
5.Dhageysiga Warbixint Guddiyada Golaha.
Intaa ka dib Gudoomiyaha ayaa soo Xiray Kukanka.

Share

Scroll to Top