Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada Hirshabelle oo Maanta Qabsoomay
Axad 23 February 2020 Guddiga Joogtada Golaha Wakiilada Hirshabelle oo ay Shir Gudoomineysay Gudomiye Kuxigenka 2aad ee Golaha Ahna Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Marwo Canab Ahmed Isse Ayaa Maanta kaqabsomay Xarunta Baarlamanka Ee Jowhar
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa
1 Dar Dargelinta Ajendayasha Golaha ee Horay loo Diyaariyey
2 Kadoodista Xaalada Guud ee Deeganada DG Hirshabelle
3 In Xukuumada soo Gudbiso Xeerka Doorashoyinka DG Hirshabelle si Golaha uga Guto Waajibadkiisa Dastuuriga
Ugu Dambeyn Gudoomiye kuxigenka 2aad ee Golaha marwo Canab Ahmed Ciise ayaa ugu baaqday Xildhibanada Aan fasaxa kumaqneyn ee kamaqan Fadhiyada Golaha iney yimaadan Caasimada.




