Guddiga Joogtada Golaha Wakiilada Hirshabelle ayaa Maanta kulan laqaatay Hay’adaha u Xilsaaran Dib u Eegista Dastuurka JFS.
Jowhar 05 Maarso 2020 Guddiga Joogtada Golaha Wakiilada Hirshabelle ayaa kulan laqaatay Masuuliyin kasocotay Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee BFS Masuuliyinta Katirsan wasaarada Dastuurka ee XFS iyo Masuuliyin Katirsan Guddiga Madaxa Banaan ee lasocodka Dib u Eegista Dastuurka Federalka Somalia.
Guddiga Joogtada Golaha wakiilada Hirshabelle waxaa ay Kulanka ay laqaateen masuuliyantan ay kaga Gudoomeen nuqulladii ay dib u eegista kusoo sameeyeen labada guddi ee Guddiga La socodka Dastuurka BFS iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo hirginta Dastuurka.
Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Hirshabelle ayaa lafilayaa in Fadhiyada socda ee Golaha hor geeyaan Documents lagu wareejiyey si ay Golaha Wakiilada ugu biiriyan aragtidooda ku aadan Dib u eegista Dastuurka Dalka .




