Kulanka Gudoomiyaha Golaha iyo Madaxa Mashruuca Gole-kaab

Kulanka Gudoomiyaha Golaha iyo Madaxa Mashruuca Gole-kaab

Muqdisho 12 March 2020 Gudoomiyaha Golaha Md.ne Sheikh Osman Barre Mohamed oo uu Wehliyo Xoghayaha Guud ee Golaha Md,ne Abdiwahid Mohamed Hussein ayaa Kulan Qado ah kula qaatay Hotel Decale ee Magalada Muqdisho Madaxa Mashruuca Gole-kaab Mr. Bill clay iyo kuxigenkiisa

Gudoomiye Sheikh Osman Barre ayaa Madaxa Mashruuca Gole kaab uga mahadceliyey Wada shaqeyntii iyo taageradii uu layeeshay Golaha Mudadii sanadka iyo labada bilood aheyd ee uu mashruucan Hogaaminayey

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Madaxa Mashruuca Gole-kaab ku dhiiri Geliyey sii wadida taagerada Baarlamanka iyo Joogteynta Iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Mr. Bill Madaxa Mashruuca Gole-kaab ayaa soo dhaweyay hadal jeedin Gudoomiyaha waxuuna balan qaaday inuu sii xoojin doono WADA shaqeynta uu la leelayahay baarlamanka Hirshabelle

Ugu Dambeyn kulanka ayaa kusoo Dhamaaday Is afgarad iyo Iskaashi Dhex mara Baarlamanka Hirshabelle iyo Hay.adaha ka taagera Gudashada Waajibadka Dastuuriga.

Share

Scroll to Top