Kulankii 2aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga Caafimadka iyo Waxbarashada

KULANKA GUDDIGA CAAFIMADKA IYO WAXBARASHADA EE GOLAHA WAKIILADA HIRSHABELLE UU LAYEESHAY WASIIRKA WAXBARASHADA DG HIRSHABELLE.

Isniin Desember 2019 Kulankii 2aad kalfadhiga 7aad ee Guddiga Caafimadka iyo Waxbarashada Golaha Wakiilada ayaa ka qabsoomay Xarunta Baarlamaanka DG Hirshabelle.

Kulanka Guddiga Caafimaadka iyo Waxbarashada oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Guddiga Xildh Aden odowaa Omar ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Ajandaha kulanka Wuxuu ahaa.

Dhageysiga Warbixinta Wasiirka Waxbarashada oo maanta Guddiga Horyimid waxuuna Wasiirka u faah faahiyey Guddiga Horumarada ay sameysay Wasaaradiisa Caqabadaha Jira iyo Qorshayaasha u degsan ama ay Hiigsanayaan.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka Su’aalo kusaabsan Howlaha wasaaradisa kana mid aheyd Warbixintiisa Waydiiyey.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga ayaa Wasaarada Waxbarashada ku dhiiri geliyey Dardar Gelinta Howlaha Horumarinta waxbarashada ku dhiiri geliyey waxuuna sidoo kale Kulanka Guddiga iyo Wasiirka Soo xiray.

Share

Scroll to Top