KUSIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA G/K/X 2AAD EE BAARLAMAANKA HIRSHABELLE MUDANE MAHAD HASSAN OSMAN AYAA AFUR USAMEEYAY GUDOOMIYAHA GOBOLKA SH/DHEXE IYO MAAMULKA DEGAMADA JOWHAR.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle ahna Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka  Mudane Mahad Hassan Osman  ayaa kulan Afur ah u sameeyay  Maamulka Gobalka Shabellada Dhexe , midka  Caasimadda Dowladda ee Jowhar  iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda  Hirshabelle iyo Saraakiisha Ciidanka  Dowladda Hirshabelle.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan Amniga iyo  sidii looga hortagi lahaa  Fatahaada Wabiga Shabelle  ka dhageystay Gudoomiye Axmed Mayre Makaraan oo maalmahan kormeer ukuurgalid ah ku Sameeynayay  Degamoyin iyo Deegaano ka tirsan Gobalka Shabelleada Dhexe.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Amniga iyo Maamulka Gobalka Shabellada Dhexe faray inay kordhiyaan Adkeynta Amniga sidoo kalana ay ka hortagaan dhagaraha cadawga ay soo maleegaan.

Share

Scroll to Top