Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Md.ne Sheikh Osman Barre Mohamed ayaa Jowhar uga qeyb galay Munaasabada 76 sano Guuraadii Kasoo Wareegtay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Md.ne Sheikh Osman Barre Mohamed ayaa Caasimada Dowlad Goboledka Hirshabelle ee Jowhar uga qeyb galay Munaasabada 76 sano Guuraadii Kasoo Wareegtay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Wuxuu halkaas Hambalyo ku aadan Dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uga diray Sareeyayasha Saraakisha Saraakiil Xigenada Alifley iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay Maalintii dhidibada loo tagay Ciidanka Booliska 76 sano Kahor.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha baarlamaanka hirshabelle ayaa sheegay Muhiimada Ciidanka Booliska u leeyihin Dowladnimada iyo ilaalinta Xuquuqda shacabka soomaaliyeed Maadama Boolisku yahay Ilaaliyaha Sharciga.

Sidoo kale Wuxuu Ciidanka Booliska Hirshabelle Faray ilaalinta Nafta iyo Hantida iyo Xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed Gaar ahaan Xuquuqda Shacabka Hirshabelle isagoo Ciidanka Booliska ku dhiiri geliyey iney Quluubta Shacabka kasbadaan si looga guuĺeysto Cadawga Dagaalka kula Jira Dowladnimada iyo sharafta Dadka soomaaliyeed.

Share

Scroll to Top