Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan Khaliif Mumin Toxow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo Maanta ku Geeriyoday Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Khaliif waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.
