Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan Ahmed Omar Gaabow Sheikh Libi oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo Maanta ku GeeriyodayCaasimada Dowlad Goboledka Hirshabelle ee Jowhar
Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Sheikh Libi waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.




