Xildhibaano katirsan baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa gaaray degmada balcad ee dowlad goboledka hirshabelle
Khamiis; 27-02-2020
Xildhibaanadan katirsan baarlamaanka dowlad goboledka hirshabelle deegaan doorashadoodu tahay degmada balcad ayaa maanta soo gaaray degmada balcad ee Dowlad Gobolkedka Hirshabelle
Ujeedada Safarka Xildhibanaadan ayaa ah. u kuur gelida xaalada Bulshada Degmada iyo kormeerida Mashaaricda Horumarineed ee laga fuliyey Degmada Balcad.
XIldhibanadan inta ay kusugan yihiin Degmada Balcad ayaa waxaa ay kulamo laqaadan doonan Maamulka Degmada iyo ururada Bulshada Rayidka. si ay wax uga ogaadaan Shaqada Maamulka Degmada iyo xaalada Nololeed ee Bulshada Degmada Balcad.
Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa iney Degmada Balcad kusugnaadaan Xildhibanadan kasocda Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle.
Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kuguda jira Kalfadhigiisa 7aad ayaa wada Dar Dargelinta mid kamid ah Waajibadkiisa Dastuuriga oo ah Kormeerida Xukuumada Dowlad Goboledka Hirshabelle iyo Matalaada Shacabka.




