Wafdi kasocda Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka BFS oo Jowhar Soo Gaaray.
Sabti 21 Desember 2019 Xubno kasocda Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka BFS ayaa Caasimada Dowlad Goboledka Hirshabelle ee Jowhar soo gaaray
Wafdigan oo uu Hogaaminayey Gudoomiye kuxigenka Guddiga Dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka waxey Caasimada Hirshabelle ee jowhar usoo gaareen sidii ay latashi kusaabsan Dib u eegista Dastuurka Qaranka ula sameyn lahaayen Hay’adaha Dowlada iyo Bulshada Rayidka ee Hirshabelle
Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaraha ee Jowhar kusoo dhaweeyay Guddomiyaha Guddiga Dastuurka ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboledka Hirshabelle



